

Xogta ay kaydisay Xarunta Maareynta Xogta Biyaha iyo Kheyraadka Dhulka ee Somaliland waxay muujinaysaa in guud ahaan dalka laga diiwaangeliyay 3,638 il-biyood, kuwaas oo 2,783 (76.5%) ay yihiin kuwo shaqeynaya. Ilaha ugu badan ee biyaha waa ceelal qod ah (1,501) iyo ceelal dhaadheer (1,350), taasoo si cad u muujinaysa in Somaliland aad ugu tiirsan tahay kheyraadka biyaha dhulka hoostiisa. Ilaha kale ee biyaha waxaa ka mid ah illo-dabiici ah (258), dhaamam ama biyo-xireenno (239), berkado biyaha roobka kaydiya (230), iyo toggag xilliyeedyo ah (59).
Inkasta oo heerka shaqeynta ilaha biyaha uu yahay mid sare marka la eego guud ahaan gobolka, haddana ku dhawaad 25% ka mid ah ilahaasi ma shaqeynayaan – taasoo muujinaysa baahi deg-deg ah oo loo qabo dayactir ballaaran iyo maalgashi joogto ah, si loo xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah oo waara.
Xogtani waxay muujinaysaa in xog-falaanqaynta dawliga ahi lagama maarmaan u tahay go’aan qaadasho xog ogaal ah, maalgashi hufan, iyo horumar biyo waara oo loo siman yahay.
Abdirashid Ibrahim Abdirahman






