Xubin iska Casilay Guddidii la baxday Samotalis oo uu ku sifeeyay Guddi cuno

Hargeysa(Qaran news)- Oday Salebaan Cabdilaahi Axmed oo ka mid ahaa Guddidii Samotalis la baxday ayaa sheegay inuu maanta ka baxay guddigaas oo uu ku tilmaamay inay noqdeen guddi cunto.

Oday Saleebaan wuxuu sheegay in aanay rejo ka soo jeedin guddidaas oo ay noqdeen rag hoggaankoodii xaflado iyo cunto ku mashquulsan yihiin.

Saleebaan Cabdilaahi wuxuu sheegay inay ku fashilmeen inay u baxaan oo wax ka xaliyaan shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Cali-saahid oo dhawr jeer oo uu soo jeediyay in loo gurmado ay ka hoos qaadi waayeen.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray markii inamada beesha Garxajis sg baxeen ee ay tageen Gacanlibaaxna ay meeraysteen, sidaas darteed uu go’aansaday in haddii baasto raadis la yahay uu isagu cuno ta islaantiisu samayso. Waxaanu sheegay in aan wax rejo ah laga sugin guddidaas oo xusay inay u meelmartay magacii bilowgii lagu dacaayadeeyay.