Golaha Isimmada SSC-Khaatumo qayb kamid ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa soo gaadhey magaalada Garoowe, iyaga oo halkan ka xaynaya Isimmo dhaqan oo ka socda beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle ee koonfurta Soomaaliya kuwaa oo tegeya magaalada Laascaanood, si ay u soo arkaan saameynta dagaalka isla markaasna wada-hadallo nabadeed uga dhex bilaabaan SSC-Khaatumo iyo Somaliland.
Isimmada dhaqanka Koonfureed oo taageero ka heleya DFS ayaa la filayaa in ay tagaan magaalada Hargeysa, si ay sidoo kale ula kulmaan madaxda Somaliland.