Xukuumadani way sii socotaa, waxa ay samaynayso oo dhami waa #Calculated, waa shaqaaqo abuur, waa jeedin iyo jahawareerin umadeed.
Dadka Reer Awdal & Reer Salal oo uu matalo Xildhibaan #Mahamed #Abiib , waa in aanay samayn, waxa la rabo in ay sameeyaan, taas oo ah in dadku gadoodaan. Waa in aad deganaan codkiina ku sheegtaan fikirkiina, oo aad ka caqli badisaan cida rabta in mar mar siiyo la idinka dhigto.
Waxan idinku boorinayaa in ay idiin kala soocnaato, umada Reer SOMALILAND ee idinla qabta dhib kasta ood tirsanaysaan, Iyo xukuumada hada ka talisa SOMALILAND ee uu hogaamiyo Madaxweyne @musebiihi .
Dalkiina SOMALILAND iyo umada Reer SOMALILAND Iyo Xukuumadu waa laba kala duwan. Cida Aad la xisaabtamaysaan waa xukuumada.