Hargeysa,(Qaran news)-Xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka dhabaysay balanqaadkii uu madaxweynahu uu u sameeyay dadweynaha gobolka Hawd ee ahaa in uu shaqada wadada isku xidha Hargeisa iyo Baligubadle uu bilaabi doono shaqadeeda boqolka maalmood ee u horeeya marka uu xilka la wareego.
Balanqaadkaasi ayaa maanta rumoobay kadib markii xukumadu ay halkaasi gaysay qalabkii lagu shaqaynaayay iyo shaqaalahiiba.
Balanqaadkaninwaa kii labaad ee xukuumadda Cirrao fulisay iyada oo todobaadkani ku dhawaaqday in ciidamada qaranka.loo kordhinaayo mushaarka.