Mashruuca horumarineed ee barnaamijka sugidda nidaamyada Cuntada ee Somaliland (Somaliland Food Systems Resilience Program) ayaa noqonaya mid ka mid ah mashaariicda istaraatiijiyadeed ee ugu muhiimsan ee Somaliland ku wajahayso horumarinta nidaamka wax-soo-saarka cuntada, u diyaar-garawga abaaraha soo noqnoqda iyo baahiyaha bulshada reer miyiga ah. Mashruucani waxa uu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo ay iska kaashanayaan xukuumadda JSL iyo Baanka Adduunku, kaas oo ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado sugnaanta cuntada JSL.

Kulan qiimo leh oo todobaadkan ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa si hufan la isugu waafaqay in la dardar-geliyo hawlaha mashruucan SL-FSRP, iyada oo diirrada lagu saaray in Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda uga faa’iidaysato taageerada farsamo iyo midda dhaqaale ee mashruucani xambaarsan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda, Ibraahim Cumar, oo dalka Kenya kulankan kula yeeshay Madaxa Baanka Adduunka, Mr. Hideki Matsunaga, iyo mas’uulka sare ee mashruuca FSRP, Jeehye Kim, ayaa si qoto dheer uga wada hadlay kobcinta kaabeyaasha wax-soo-saarka iyo sidii loo heli lahaa nidaam cunto oo xasiloon, isla markaana loo xoojin lahaa awoodda hay’adaha dawliga ah.

Waa marag-ma-doonto in Somaliland ay qaaday tallaabooyin dhab ah oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka beeraha iyo xanaanada xoolaha. Mashruuca SL-FSRP wuxuu fure u yahay isku xidhka hay’adaha kala duwan, isku dubaridka mashaariicda iyo kor u qaadista taageerada beeraleyda Somalilnad ee ay abaaruhu saameeyaan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf ayaa kulankan kaga warbixiyay dadaalka Somaliland ku bixisay horumarinta kaabeyaasha wax-soo-saarka, gaar ahaan dhinacyada biyo-xidheennada, tababarada beeraleyda, bacriminta, iyo hababka casriga ah ee lagu beegsanayo kor u qaadista beeraleyda nugul. Waxa uu xusay muhiimadda uu mashruucan FSRP u leeyahay isku xidhnaanta, wax-soo-saarka iyo la dagaalanka cunto yaraanta.

Madaxda Baanka Adduunka ayaa muujiyay kalsoonida ay ku qabaan Somaliland, gaar ahaan sida ay ula jaanqaadday fulinta mashaariicda waaweyn. Taageeradaas oo haddii si xikmad leh loo hago, noqon karta saldhig lagu dhiso mustaqbal cunto sugan leh, oo ku dhisan iskaashi waara.

Waxa kale oo xusid mudan in xidhiidhiyaha mashruuca SL-FSRP ee Somaliland, Kayse Axmed Maxamed (Jeelle), uu si hufan uga qeyb qaatay kulankan, taasoo muujinaysa ahmiyadda uu mashruucu leeyahay iyo sida ay Somaliland uga go’an tahay hirgelintiisa.

Ugu dambayn, mashruuca SL-FSRP waxa uu noqon karaa tusaale ifaya oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku kasbatay iskaashi caalami ah, kaas oo si weyn u kobcin kara awoodda gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland oo leh himilo iyo hami horumarineed.

Axmed M. Saleebaan