Xukuumadda oo Dhexgashay Khilaafka Iskaashatada Gaadiidka Berbera
Hargeysa(Qaran)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed ayaa kulan la qaatay iskaashatada gaadiidleyadda xamuulka Towfiiq ee ka shaqeeya Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Togdheer.
Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Muuse Jaamac Maxamed iyo agaasimaha Waaxda gaadiidka ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdikariin Baashe Cabdilaahi.
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka ayaa intii uu socday waxa lagu falanqeeyay sidii loo soo xal waara looga gaadhi lahaa khilaaf muddooyinkii u danbeeyay u dhaxeeyay iskaashatada gaadiidleyda xamuulka ee magaalada Berbera.
Gabaโgabadii waxaa shirkaasi lagu soo afmeeray is afgad iyo kulamo danbe oo la xidhiidha sidii loo xalinlahaa khilaafkaasi isla markaana goโaano looga soo saarilahaa.