Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo cusub oo lagu xakamaynayo colaadda labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmaraysa Awdal iyo Selal.

Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Somaliland Cabdirashiid Magaalo ayaa sheegay in qofkii lagu arko isagoo qori sita deegaamada qoriga lagala wareego islamarkaana hubkaasi noqdo hanti qaran.
Sidoo kale xukuumaddu waxa ay go’aamisay in qofkasta oo dagaal kala horyimaada ciidamada qalabka sida islamarknaa ciidamada dawladdu waxyeelaan aanu yeelan doonin wax magdhow ah ama diyo ah.

Wasiir Cabdirashiid Magaalo ayaa sheegay in go’aamadani dhaqan galayaan berri 02:00 duhurnimo saacadda geeska Afrika.

Go’aamadan xukuumaddu qaadatay ayaa la filayaa in uu wax ka taro colaadda labada beelood ee walaala ah ku dhexmaraysa gobollada Awdal iyo Selal taas oo dhawr bilood socota.