Xukuumadda Somaliland oo Jawaabta Dhawaaqii ka soo Yeedhay Soomaaliya ee ku Wajahnaa in la Xidho Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Jamhuuruyadda Somaliland, ayaa Tallaabo macno darro ah ku sifaysay hadalka ka soo yeedhay dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, oo sheegtay in 7 maalmood lagu xidho safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland.

Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) ugu jawaabay Soomaaliya.

Qoraalka wasiirkuna waxa ay u qornayd sidan:-

“Safaaradda Itoobiya ee Jamhuuriyadda Somaliland laguma furin ogolaanshaha Soomaaliya.mana aha mid lagu xidhayo diidmada Soomaaliya.

Waa xikmad darro iyo dabuub ka baxsan diblomaasiyadda inay ku tiraabaan in la xidho safaarad ka furan dal kale oo aanay xukumin. Waana guuldarro diblomaasiyadeed inay cabasho u gudbiyeen Safaarada Itoobiya ee Muqdisho inay xidho safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Safaaradda Itoobiya ee Magaalada Hargeysa waxa ay shaqeynaysay 30kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay ku hawlan tahay kor u qaadista masaalixda ka dhexeeya labada
Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya iyo ammaanka mandaqada gobolka guud ahaan.”

Soomaaliya ayaa jaho-wareer siyaasaddeed ka qaaday heshiiska isfaham ee 1dii bishii January ee sannadkan Addisababa ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Abiy Ahmed.