Xulka England oo ka huleelay Koobka Adduunka, France oo u gudubtay semi-finals

Harry Kane
Harry Kane

Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolka guusha ee xulka Faransiiska ee difaacanaya Koobka Adduunka, iyadoo ciyaar xiisa badan ay Faransiisku England ku garaaceen 2-1 kaga badiyeen. Xiddiga Harry Kane ayaa rigoore goor danbe loo dhigay ka qasaariyay xulkiisa.

Xulka Faransiiska ayaa wareegga afar dhammaadka la ciyaari doona xulka Morocco oo iyana maanta ka guuleystay xulka Portugal una gudbay semi-finalka.

Aurelien Tchouameni ayaa hogaanka u dhiibay Fransiiska qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Kane ayaa barbareeyay.

Daqiiqaddii 78-aad ee qeybtii danbe ee ciyaarta ayuu Giroud madax ku dhaliyay goolkii labaad ee Faransiiska, halka Kane uu gafay goolkii labaad ee barbarrada noqon lahaa. Sidaasi ayayna xulka England uga hareen ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka socda Qadar.