Yaa beddeli kara Khamenei?

Kahor weeraradii Maraykanka iyo Israa’iil ee maanta, Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ayaa qiimeysay in xitaa haddii hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei lagu dilo hawlgalka, ay u badan tahay in lagu beddeli doono dad mayal adag oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), labo ilo oo xog ogaal ah ayaa sidaa sheegay.

Qiimayntan, oo la soo saaray labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ayaa si weyn u eegaysay waxa ka dhici kara Iran ka dib faragelintii Maraykanka iyo heerka uu gaarsiisnaan karo hawlgallada millatari ee dhalin kara isbeddelka nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah — oo hadda ah ujeeddada cad ee Washington.

IRGC waa cudud milatari oo heersare ah oo ujeeddadeedu tahay inay ilaaliyaan xukunka wadaaddada Muslimiinta Shiicada ah ee Iran.

Warbixinnada hay’adda sirdoonku ma aysan soo gabagabeyn wax xaalad ah oo la hubo, ayay yiraahdeen ilo-wareedyada, oo magacooda qariyay si ay uga hadlaan arrimaha sirdoonka.

Hay’adda sirdoonka dhexe ayaa diidday inay ka hadasho.