Dagaal-yahannada ay hoggaamiyaan kooxda mucaaradka Hayat Tahrir al-Sham ee (HTS) oo ku socda kolonyo gawaarida yaryar ah iyo mootooyin ayaa si xowli ah ugu sii siqaya waddada weyn ee waqooyi-koofureed taasoo fududeyneysa in Dimishiq lala wareego iyadoo aan wax iska caabbin ah lala kulmin.
Balse iyadoo dad badan oo dalkaas ku nool ay u dabaal-degayaan dhicitaankii qoyska Asad ee Suuriya xukumayay muddada dheer, haddana mustaqbalka dalkaas ayaan caddeyn xaaladda gudahana jahwareer ayaa ka taagan, iyadoo kooxo kala duwan oo mucaarad ah ay maamulaan qeybo kala duwan oo dalkaas ah.
Dhicitaankii xukunka Assad ayaa keenay in si lama filaan ah oo degdeg ah ay kooxda HTS isku ballaariyaan dalkaas, inkasoo kooxdu ay gacanta ku heyso magaalooyinka ugu waaweyn Suuriya, haddana ma xukumaan guud ahaan dalkaas.
Suuriya ayaa muddo waxaa gacanta ku hayay kooxo fallaago ah oo kala duwan oo ay ku jiraan HTS oo Idlib ku sugneyd iyo kooxaha Kurdiyiintu horkacayaan oo waqooyi-bari dalkaas ku sugan, oo qaarkood ay sidoo kale la wareegeen dhul maalmihii iyo toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Midna kooxaha mucaaradka uma aysan baroor-diiqin dhicitaanka Assad, balse in heshiis laga gaaro sida loo maamulayo dalkaas ayaa weli adag iyadoo waqooyiga dalkaas ay ka jiraan isku dhacyo u dhaxeeya firqooyin uu tartan ka dhex jiro.
Bbcsomali