Warka Xamar dhaaaaf !!!
Muqdisho yaa Xabashida keenay ee Wasaaradii Gaashaandhiga Soomaaliya dhex dejiyay?
Jawaabtu waa Cabdillaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi
Xasuuqii reer Muqdisho xiligaas ku dhacay yaa hogaaminayay ee gadhwadeen ka ahaa? Jawaabtu waa Cabdilaahi Yuusuf iyo adeegihiisii Cali Maxamed Geedi
Itoobiya yaa yidhi Afar Dekedood ayaanu siinaynaa? Waxaa yidhi Mohamed Abdilaahi Farmajowga imika iska oohinaya
Dhulkii Somali-galbeed/Ogaden yaa Itoobiya si rasmi ah oo kama danbays ah ugu saxeexay ee u siiyay? Waxa uu ahaa Maxamed Siyaad Barre oo sanadkii 1988 Madaxweynihii Itoobiya ee Mingiste magaalada Jabuuti ugu saxeexay inaanay Soomaaliya dib u sheegan doonin dhulka Soomaalida Itoobiya, heshiiskaas waxaa markhaati ka ahaa Madaxweynihii Jabuuti ee hore Xasan Guuleed Abti-doon. Itoobiyana waxay waagaas ogolaatay inay Jabhadii SNM dhulka Itoobiya ka soo saarto.
Ma Soomaaliya mise Somaliland ayay imika Ciidamo Itoobiyaan joogaan? Soomaaliya ayay joogaan Labaatan Kun oo Askari oo Xabashi ahi, iyo weliba kumanaan Askari oo Ajnabi ah oo Gaalo ahi.
Dhulka Somaliland ee Daahirka ah waxaa ka dul taagan Calanka Tawxiidka leh ee magaca Alle uu ku qoran yahay, hal Askari oo Ajnabi ahina kuma sugna gudaha Somaliland.
Doodaha jaban ee raqiiska ah iyo qaylada ka yeedhaysaa reer Soomaaliya maaha Diin jacayl, mana aha Dal jacayl, balse waa cadaawad iyo xaasidnimo ay u qabaan Ummada reer Somaliland, waxay ka xun yihiin Horumarka iyo Nabada Somaliland ka jirta.
Waxa kale oo ay ka xun yihiin horumar kasta oo reer Somaliland usoo kordha, waxaa marag u ah sidii ay dagaalka ugu qaadeen ee ay isugu dayeen inay hor istaagaan heshiiskii DP World iyo Somaliland, waxaanay Baarlamaankoodu soo saareen goaan ay ku laaleen heshiiskii DP World iyo Somaliland, laakiin way ku guul darraysteen heshiiskiina wuu hir galay.
Imikana qayladoodu waxba kama duwana qayladii ay sameeyeen xiligii DP World iyo Somaliland ay heshiiska saxeexanayeen.
Haddii hanjabaada Muqdisho ay run tahay maxay Labaatanka Kun ee Askari ee Xabashida ah ay dhulkooda uga soo saari waayeen? Xasan Sheekh iyo Xukuumadiisu fursado shakhsi ah iyo inuu reer Muqdisho si uun u mideeyo ayaa qaylada ugu wacan.
Jamhuuriyada Somaliland reer Somaliland baa leh, wax kasta oo ay dantoodu ku jirtana way samaynayaan iyaga oo aan Xukuumada Soomaaliya iyo cid kale toona uga fasax qaadanayn.
Amb Kaysar Maxamed
kaysar@diplomats.com