Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa saaka kormeer kedis ah ku tagay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo u kuur-galay habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu Qaranka uga masuul tahay iyo gudashada waajibaadka shaqo ee Shaqaalaha Wasaaradda.

Madaxweyne-ku-xigeenku intii uu kormeerka ku guda jiray waxa uu mid mid u galay waaxyaha iyo xafiisyada kala duwan ee ay Wasaaradda, isaga oo shaqaalaha ka dhegaystay warbixinno ku saabsan hawlaha shaqo ee ay gacanta ku hayaan iyo qorshayaasha u dejisan waax kasta.

Intaa ka dib, Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, isaga oo ka dhegaystay warbixinno faahfaahsan oo la xidhiidha hawlaha shaqo ee Wasaaradda, qorshayaasha u dejisan, wax-qabadka waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda ee iyo hiigsiga Qaran ee la xidhiidha horumarinta khayraadka dabiiciga ah, macdanta iyo adeegyada tamarta ee dalka JSL.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey intii uu ku guda jiray booqashada ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay ka mid tahay Wasaaradaha Qaranka u haya hawlo culus oo istaraatiiji ah, isla markaana door muhiim ah ku leh horumarka dhaqaalaha, koboca maalgashiga shisheeye iyo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka JSL.

Waxa uu xusay in Tamarta iyo Macdantu ay yihiin laba qaybood oo leh muhiimad istiraatiiji ah, laf-dhabarna u ah horumarka Qaranka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in Wasaaraddu ay si hufan oo qorshaysan u gudato masuuliyadda Qaran ee ka saaran horumarinta labadaas waaxood.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ku boorriyey in ay muujiyaan dadaal dheeraad ah, xilkasnimo iyo daacadnimo, waxana uu yidhi:

โ€œWaxa waajib idinku ah in aad si dhab ah uga soo baxdaan masuuliyadda la idiin igmaday, aad dardargelinta hawlaha shaqo, isla markaana aad xoogga saartaan sidii loo heli lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada tamarta iyo maaraynta khayraadka macdanta. Dawladda waxa ka goโ€™an in Hayโ€™adaha Qaranku si hufan u gutaan waajibaadkooda, waxaana la doonayaa in masuul kasta iyo shaqaale kasta uu dareemo masuuliyadda saaran, kuna dadaalo sidii uu wax ugu tari lahaa horumarka iyo adeegyada qaranka.โ€