Liiska tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka oo la shaaciyay

Qadaadiic

Waa kee waddanka adduunka ugu hantida badan? Ma sahlana in jawaab sax ah laga bixiyo su‘aashan balse qiyaas ahaan waxaa jira liis ay ku xusan yihiin dalalka ugu hodansan caalamka.

Hay’adda Lacagta Adduunka(IMF) iyo shirkadda Visual Capitalist ayaa soo saaray liis ka kooban 193 dal oo lagu muujiyay sida ay dalalka caalamka u kala dhaqaale badan yihiin.

Soomaaliya iyo dalal kale oo sabool ah ayaan ka dhex muuqan liiskan. Waxaase mowduucan loo kala qaaday labo qeybood oo lagu kala sheegay dalalka si guud ugu dhaqaalaha badan iyo waddamada shacab ahaan qaniga ah marka loo eego dhaqaalaha usoo xarooda dalalkooda.

Si kale haddii loo dhigo, hantida dalka waxa lagu qiimeeyaa wax-soo-saarka guud ee dalka oo afka qalaad lagusoo gaabiyo (GDP). Hadaba GDP-ga waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo lagu cabbiro wax soo saarka dalka ee badeecadaha iyo adeegyada muddo cayiman. Waxa loo arkaa in ay tani tahay cabbbirka lagu qiyaaso hantida dalka.

Waa cabbir si weyn loogu isticmaalo dhaqaalaha adduunka. Waxaa ka mid ah macluumaadka ku saabsan inta ay le’eg tahay canshuurta ay dowladdu hesho iyo inta lacag ee ay dowladdu ku bixiso qaybaha ay ka midka yihiin waxbarashada iyo caafimaadka iyo arrimo kale.

Haddaba waxaa laga yaabaa in ay jiraan su’aalo ku saabsan cabbirka noocan ah. Laakiin iyadoo laga duulayo xogta laga helay qiyaastan, waxaa la heli karaa macluumaadka tobanka waddan ee adduunka ugu qanisan.

Marka loo eego xogta Oktoobar 2022 ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF iyo Visual Capitalist, liiska tobanka waddan ee ugu qanisan adduunka ayaa loo diyaariyey sida soo socota:

Lacag Gini ah

10-ka dal ee ugu qanisan caalamka

1. America, 25.035 trillion Doolarka Maraykanka

2. China, 18.321 trillion Doolarka Maraykanka

3. Japan, 4.301 trillion Doolarka Maraykanka

4. Germany, 4.031 trillion Doolarka Maraykanka

5. India, 3.469 trillion Doolarka Maraykanka

6. Britain, 3.199 trillion Doolarka Maraykanka

7. France, 2.778 trillion Doolarka Maraykanka

8. Canada, 2.2 trillion Doolarka Maraykanka

9. Russia 2.113 trillion Doolarka Maraykanka

10. Italy, 1.99 trillion Doolarka Maraykanka

Hadaba taasi waa dalalka ugu qanisan marka la eego hantida guud ee dalkaasi haysto balse waxaa jira qaab kale oo lagu cabbiro qaninimada waddamada, maxay tahay?

Waa hantida kusoo aadaysa qof walba hadii loo qaybiyo hantida uu dalku leeyahay tirada dadkiisa, taasina waxay ka dhigantahay inaan ogaan karno sida ay waddamadu ukala qanisan yihiin iyadoo la eegayo hantida calaa qof kusoo aadaysa hadii shacabka dalkaas loo qaybiyo dhaqaalaha guud ee dalka, waxaana qaabkan loo yaqaannaa (GDP per capita).

Marka loo eego (GDP per capita) liiska kor ku qoran wuu is badalayaa waayo waxaa saameynaya tirada shacabka ee dalku leeyahay maadaama loo qaybinayo lacgtii guud ee dalkaas tirada shacabkiisa.

Wadamadee ugu qanisan marka la eego GDP per capita?

Marka lagu qiimeeyo qaninimada wadamada (GDP per capita) sidan ayey u kala sareeyaan:

1. Luxembourg

2. Singapore

3. Ireland

4. Queue

5. Macau

6. Switzerland

7. Norway

8. United Arab Emirates

9. Brunei

10. America

Marka laga reebo Maraykanka hal dal oo ku jiray liiska tobankii dal ee ugu qanisanaa kamasoo muuqan liiskan. Hadda labada liisba Maraykanku wuu kasoo muuqday balse inkastoo Maraykanku yahay Dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka, kaas oo leh boqolkiiba 20 GDP-ga caalamka; hadana Maraykanku kaalinta 10-aad ayuu kasoo galay liiska labaad.