Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada oo la muddeeyay

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee aqalka Wakiillada ahna ku-simaha Guddoomiyaha Md. Siciid Faarax Mire ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in doirashada Guddoomiyaha cusubi ay qabsoomi doonto maalinta Axadda.

Waxa uu faray Xildhibaannada danaynaya inay isu soo sharraxaan jagadaas banaanaatay inay CV-yadooda iyo codsiyadooda u soo gudbiyaan xafiiska Xoghayaha guud.

Dhinaca kale waxa ugu cadcad murrashaxiinta kala ah Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cali Xaamud Jibriil oo ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Awdal.

Xisbiyada mucaaridka ah ayaa sheegay inay dhisayaan Cali Xaamyd Jibriil oo ka soo jeeda Awdal, maadaama io gobolka Sool ay ka tageen Somaliland isla markaana aanay wax macno ah sameynayn in loo doorto guddoomiye Baarlamaan oo aan saameyn iyo metelaad ku lahayn deegaankiisii.

Sidoo kale Ururka KAAH ee Maxamuud Xaashi oo xildhibaano badani ay ku biireen ayaa wada oo ay dawladda Muuse Biixi iska kaashanayaan sidii ay u dooran lahaayeen Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Waxgaradka reer Awdal ayaa Maxamuud Xaashi ku eedeeyay inay la socdaaan dagaalka uu kula jiro in la doorto xildhibaan ka soo jeeda gobolkooda guddoomiyaha cusub ee Wakiillada.