8 Xubnood oo isugu Jira saraakiil Ciidan iyo Waxgarad ayaa Ciidamo Hubaysani Kaxaysteenn.

Hargeysa(Qaran news)-Sideed Xubood oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo waxgarad , oo ku Sugnaa Magaalada Go’da kana Tagay dhinaca Magaalada Hargaysa ayaa la sheegay inay kaxaysteen Ciidamo dhowaan galay Buurta Gacanlibaax iskuna Sheegay inay yihiin jabhad ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi

Sideed Xubood ee la kaxaystay ayaa la ogeyn meesha la geeyay ama ay la tageen Kooxdan Af duubtay, waxa ayse wararka qaar sheegayaan in lala galay buuraha Gacanlibaax oo dhaca silsilada Golis oo ay adagtahy cidii gasha ee hubaysan sida looga saaraa

Wararku Waxay intaas ku darayaan in xubnahani ay u socdeen inay la kulmaan kooxdan hubaysan oo la soo hadlaan iyaga oo ergo ahaan ugu socday.

Dhowaan ayaa Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland sheegay in Qaran ahaan iyo Qabiil ahaaba laga Daba tago ciidamada Buurta galay.

Sidoo kale Muj. Dhegeweyne oo ah khabiir sare oo ciidan ayaa isna ku baaqay in xukuumaddu ragaasi buuraha galay ay dhegaysato oo qanciso oo lala hadlo isga oo dul joogsaday ahmiyada ay leedahay nabad galyadu.

Jabhadani buuraha gashay oo aad u sii xoogaysanaysa ayaa ka dhalatay kadib markii garab ka mid ah gudiga doorashooyinku soo saareen go’aan aan gudigaasi ku midaysnayn isla markkaasina ay xisbiyada mucaaridku ka soo hor jeeddadeen.

Xisbiga Waddani oo haysta taageerida badi gobolada Somaliland oo ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada ayaa arinta kacdoonkani iyagu beeniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin, waxana ay eeda jabhadaasi oo dusha ka saareen xukumadda Muuse Biixi oo ay sheegeen in ay iyadu ka masuul tahay waxani dhacaaya.