8-Dal oo ka midah Golaha Ammaanka oo Somalia War cusub ka soo saaray Somalia

Qaar ka mid ah waddamada ku jira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si gaar ah uga hadlayaan xaaladda haweenka Soomaalida, nabadda iyo amniga.

Dalalkaasi oo kala ah Malta, Albania, Brazil, Faransiiska, Japan, Switzerland, Imaaraatka Carabta iyo Britain ayaa sheegay inay ku midoobeen soo saarista qoraalka iyadoo maanta Golaha Ammaanka uu ka wada hadli doono xaaladda Soomaaliya.

Waxay sheegeen in weerrada sii socda ee Al-Shabaab oo ay weheliso xaaladda bani’aadaminnimo ee daran, abaarta iyo hannaanka siyaasadeed ee caqabadaha wata ay sii kordhiyeen halista ilaalinta dadka soo barakacay, kuwaasi oo 80% ay yihiin dumar iyo carruur.

Dalalka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga argagaxeen xadgudubyada galmada iyo tacaddiyada kale ee jinsiga ku salaysan ee ka dhaca Soomaaliya.

Waxay ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay muhiim tahay in la baaro, sharcigana lala tiigsado kuwa ka dambeeya. Waxay ugu baaqeen dhammana dhinacayada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadaminnimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo in kuwa xadgudubyada gaysta lala xisaabtamo.

Waxay sheegeen in ka sokow ballanqaadka la sameeyey ee ahaa in haweenku helaan 30% ay weli hoosayso ka qaybgalka haweenka ee go’aannada siyaaseed. Waxay intaas ku dareen inay dhiirrigelinayaan inay haweeenku si buuxda oo siman u yeeshaan matalaad.

Waxay xuseen in haweenka haya mansabka siyaasadeed ay la kulmaan cabsigelin, hagardaamo iyo qalalaase.

Waxay sheegeen in doorashadii Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar ee guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee xilkaasi qabata ay ahayd guul la ammaano, waxayse ku baaqeen in hanjbadaadaha ka dhanka ah ay joogsadaan, meeshii lagama marmaanka ahna la qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo.