Wajaale Ciidanka Dab-demiska Wajaale ayaa habeenimadii xalay damiyay Dab weyn oo qabsaday Meherado ganacsi iyo guryo ku yaalla daanta Itoobiya ee magaalada Wajaale.

Meheradahan goobtaa ganacsi ku yaallay ayaa tiradoodu ahayd 14 Meheradood , waxaana dabku gaadhay 4 ka mida, halka ciidanka Dab-demisku dabkaas ka xakameeyeen 10 kii Meheradood ee kale.

Sidoo kale iyadoo hawlgalka lagu jiro ayaa ciidanku damiyeen laba guri oo kale dab ka kacay, Ilaahay Mahadiina dhamaan Hawlgaladaas way ku guuleysteen ciidamadu, iyagoo adeegsanaya xirfadda la dagaalanka dabka.

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu dabkaasi sababay.

Sababta dhalisayna waxaa gacanta ku haya laamaha baadhista ku shaqada leh.

Maamulka degmada Wajaale qaybta Itoobiya oo ay ugu horeeyaan Mayorka iyo Mayor xigeenka magaaladaas ayaa ciidanka kala qayb qaatay hawlgalkaa lagu daminayay meheradahaas ganacsi.