Warsaxaafadeed 21/04/2022 Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Bannaan ee Somaliland waxay ka walaacsantahay xaalada seddexda sufuxi ee weli xidhan.

Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay walaac xoogan ka qabta xaalada seddexda saxafi ee weli Hargaysa ku xidhan.

Xaruntu waxay marar badan oo hore isku dayday inay booqato suxufiyiintii dhawaanta la xidhay iyada oo aanay xiligaa booqashadaasi u suuragalin sababo la xidhiidha xaga maamulka xarumihii ay ku xidhnaayeen.

Arrintaaso runti aad dastuurka dalka u baalmarsan. Dastuurka Somaliland qodobka 27 (1) waxa uudhigaya “qofka laga qaaday xoriyaadiisa waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale uu codsado.

Ugu danbayn Dedaal badan ka dib waxa shalay oo bishu ahayd 21/04/2022, xarunta u suuro gashay inay la kulanto seddexda saxafi ee hadda xidhan oo kala ah Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif, kuwaasoo hore ugu xidhna xarunta denbi baadhista hadase loo wareejiyay xabsiga weyn ee Hargeysa kadib marki Maxkadu shalay u jartay seddex cisho oo xabsi kusii hayn ah.

Guud ahaan xaalada labada weriye ee Cabdijibaar iyo Cabdiraxmaan ayaa ahayd mid wanaagsan waxaanay xarunta uga warbixiyeen inay xaaladoodu fiican tahay marka laga reebo inay xoriyadoodi weli ka maqan tahay.

Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda weriye Maxamed Ilig, oo aan runtii ahayn mid ku haboon inuu sii xidhnaado marka loo kuur galo xaaladiisa caafimaad ee hadda.

Weriye Maxamed Ilig, sida uu xarunta lawadaagay, isla marki laxidhay waxa lagu xidhay meel cidhiidhi ah isagoo xiliga naqasku ku dhagay oo miyir doorsoomay, waxa kale oo uu xarunta uga waramay in hal mar dhaqtar la geeyay balse xaaladiisi caafimaad aanay u saamaxayn inuu sii xidhnaado isagoo xarunta uga warbixiyay inuu kiniino qaato una baahan yahay dhaqtar xaaladiisa la socda oo ka war haya.

Wariyayaashan ayaa lagu eedaynayaa qodobadan kala ah 215 iyo 328 ee xeerka ciqaabta guud.

Xaruntu waxay werwer wayn ka qabtaa xaalada xuquuqal insaan ee dalka iyo dhowris la’aanta xuquuqaha aasaasiga ee Dastuurka Jamhusuriyadda Somaliland bulshada udamaanad qaadayo.

Ugu danbayn xaruntu waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqaysa inay xoriyadooda si dhaqso ah ugusoo celiso seddexda weriya ee xidhan isla markana xaqdhowrto dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyahay Xarunta Xuquuqal Insaanka