LA KULANKAYAGII MAANTA EE XABSIGA MADHEERA IYO MAXAABIISTA XIDHAN. Xuseen Shabeel Cabdilaahi
Waxa aan maanta oo arbaca ah ka mid ahaa tiimkii u horeeyay ee la kulma mudadii ay xidhnaayeen maxaabiistan oo isugu jira siyaasiyiin iyo saxafiyiin ee la xidhay 9/6/2022 oo ah maalintii xisbiyada mucaaridka ah ee Somaaliland ay mudaharaadka ka dhigeen magaalada Hargaysa , maxaabiistaas oo sida ay noo sheegeen ay ciidamada amaanku ka hor joogsadeen inay la kulmaan ama arkaan eheladooda iyo asxaabtoodii midnaba ilaa maantana aanay cid naga horaysay arag mudadaa ay xidhnaayeen, taas oo sharciga iyo Dastuurka jamhuuriyada Somaaliland baal marsan .
Maxaabiistaas waxa aanu ku soo aragnay dhaawayo kala duwan oo ay sheegeen in ay u gaysteen ciidamada amaanka gaar ahaan ciidanka sirdoonka oo dharcad ahaa iyo ciidanka Police Somaaliland , qaar ka midi waxa ay noo sheegeen in ay feedhaha wax ka qabaan oo aanay neefsan karin , qaar kalana dhagaha qaar ka mida aanay ilaa hada waxba ka maqlayn oo ay sababtay nabaradii lagu dhuftay, qaar kamida lugaha iyo gacmaha ayay dhaawacyo ka gaadheen oo ka muuqdeen, dhanka kalana illaa hada wax dhakhtara oo dhaafsiisan dhakhtarkii joogay xabsiga mandheera ee ay jeelka ugu tageen oo adeega fudud iyo xumad jabino siiyay mooyee aanay dhakhtaro caafimaad la kulmin loona ogolaan mudadii ay xidhnaayeen maadama nabarada ku yaalaa ka culisyihiin qaar uu wax ka qaban karo ama aanu u diyaarsanaynba awood ahaan iyo dawo ahaan dhakhtarkaa xabsiga hore u sii joogay.
Dhanka kale waxa ay noo sheegeen in ciidamada asluubta ee gacanta ku haya ee xabsiga Mandheera iyo taliyahooduba si fiican ula dhaqmeen oo ay ka mahad sheeganayaan xaaladooda guudna ay iska wacantahay”.
Qalinkii : Garyaqaan Xuseen Shabeel