Magaalo kamid ah waddanka ugu weyn ee Saliidda soo saara oo ay shidaal yare ka jirto
Afrika: Magaalo kamid ah waddanka ugu weyn ee Saliida soo saara oo ay shidaal yare ka jirto

Safaf dhaadheer ayaa lagu arkay kaalmaha shidaalka ee inta badan gobolka Lagos ee koonfur-galbeed Nigeria ka dib markii ay ganacsatada shidaalka go’aann ku gaadheen qaar ka mid ah inay joojiyaan iibinta shidaalka.

Dadka magaalada Lagos ayaa weli safaf dhaadheer ugu jiro si ay u helaan shidaal.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo qaar ka mid ah xubnaha ururka madaxa-bannaan ee shidaalka ee Nigeria (IPMAN) ay sheegeen inaysan hadda ku sii shaqayn karin deegaan aan u wanaagsanayn ganacsigooda.

Guddoomiyaha ururka, Akin Akinrinade, ayaa u sheegay saxafiyiinta in iyadoo dowladdu ay u qoondeysay 165 naira ($0.40; £0.30) lagu iibiyo halkii litir oo shidaal ah, haddana xaqiiqooyinka hadda jira ay muujinayaan in qiimaha ugu yar uu noqdo 180 naira si ganacsatada shidaalka ay faa’iido helaan.

Safafkii dhaadheer ee Shidaalka loogu jiro ayaa sababay in saxmada isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada ay aad u bataan.