Lix Siyaabood oo aad uga hortagi karto Bidaarta

Bidaarta

Taniyo bartamihii bishii lasoo dhaafay ee May waxaa la hadal hayay dawo cusub oo loo helay nooc ka mid ah xanuunnada timaha madaxa ka dhammeeya.

Qaar ka tirsan warbaahinta ugu waawayn UK ayaa tabinayay wararka ku saabsan dawadaas cusub oo la sheegay in ay tahay guul wayn oo la gaaray.

Seynisyahannada ayaa sheegay in dawada oo ah kaniini maalintii labo jeer la isticmaalayo ay u baahan tahay muddo lix bilood ah, si ay dhammaan timaha usoo wada noqdaan.

Hase yeeshee inta badan waxaa diiradda lagu saaray haweenka uu ku dhaco xanuunka loo yaqaanno “Alopecia”.

Sidee ragga qudhooda ay uga hor tagi karaan bidaarta ama ay xal ugu heli karaan timaha ka go’aya?

Halkan waxaan ku eegeynaa toddobo qaab oo kaa caawin kara marxaladdaas.

1. Burutiin badan

Maadaama ay timaha ka samaysan yihiin maaddada burutiinka, waxaad u baahan tahay inaad xaqiijiso sidii uu jirkaaga usoo gali lahaa burutiin kugu filan oo laga helo cuntooyinka qaar.

Taasi waxay kaa caawinaysaa in timahaaga ay awood yeeshaan caafimaadkooduna uu kordho.

Ka hortagidda bidaarta

Haddii aadan cunin burutiin kugu filan waxay u badan tahay in timahaaga ay qallalaan ayna tabardarro ku dhacdo.

Inuu raashinkaaga u bato cuntooyinka uu burutiinka aad ugu yar yahay waxay sababi kartaa in timahaaga ay kori waayaan ama ay billaabaan in ay daataan, sida lagu xusay daraasad lagu daabacay BBC-da laanteeda cunto-wanaagga.

Si aad u hesho burutiinka aad u baahan tahay, raashinkaaga qayb ka mid ah ka dhig hilibka digaagga, hilibka shimbirta turkey-da, kalluunka, caanaha, ukunta, khudaarta iyo lawska.

2. Fitamiinno dhowr ah

Seynisyahannada dhinaca caafimaadka ayaa ku taliyay in dhowr fitamiin ay kaalin ka qaataan xannaanada timaha iyo ka hortagidda bidaarta.

Waxaa Fitamiinnadaas ka mid ah noocyada A.B,C iyo D.

Waxaa sidoo kale soo raaca maaddooyinka iron, selenium, iyo zinc oo iyagana la sheegay in ay muhiim u yihiin koboca iyo caafimaadka timaha.

Dhammaan Fitamiinnadan iyo macdanta kala duwan ee jirkaagu u baahan yahay waxaad ka heli kartaa farmashiyaasha kugu dhow, ama waxaad kala tashan kartaa dhakhtarkaaga si uu kuugu qoro.

3. Cuntada Mediterranean-ka

Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in raashinka loo yaqaanno “Cuntada Mediterranean-ka” ayuu kaalin wayn ka qaato yareynta halista la xiriirta cudurka timaha ka daadida haweenka iyo bidaarta caadiga ah ee gasha ragga.

Ujeeddadu waa in la isticmaalo raashinka ay dhaqan ahaanta u leeyihiin dadka daggan gobolka ku teedsan badda Mediterranean-ka.

Haddaba waa tee Cuntada Mediterranean-ka?

Cuntada Mediterranean-ka

  • Noocyada kala duwan ee khudaarta u badan cagaarka, miraha geedaha iyo raashinka dalagga, sida gallayda, masagada iyo wixii la mid ah.
  • Dufanka caafimaadka leh, sida lawska iyo saliid saytuunka
  • Caanaha xoolaha oo la qiyaasay iyo kalluunka
  • Wax yar oo isugu jira hilibka cad iyo hilibka guduudan
  • Xoogaa ukun ah

4. Masaajayn

Daraasad yar oo loogu kuur galay caafimaadka ilaa sagaal nin ayaa lagu ogaaday in masaajaynta madaxa oo maalintii la sameeyo ilaa 4 daqiiqo ay ka qayb qaadan karto koritaanka timaha.

Natiijada lagu ogaaday daraasadda ayaa u muuqata mid wax tar wayn leh.

Balse cilmi baareyaasha ayaa wali u baahan inay sameeyaan daraasad baaxad wayn oo go’aan kama dambays ah looga gaari karo in masaajaynta madaxa ay caawinaad buuxda samayn karto.

5. Dhaqid joogto ah

In la dhaqo madaxa maalin walba waxay ka ka hor tagaysaa inay timaha daataan, maadaama meesha ay timaha ku yaallaan ay nadiif ahaanayso, caafimaadkeeduna wanaagsanaanayo.

Laakiin furaha waa in qofku uu isticmaalo shaambo qiyaas leh, iskana ilaaliyo in uu badiyo xaddiga shaambada ee uu adeegsanayo.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in si taxaddar leh loo dhaqo timaha, sababtoo ah gacanta xoogga badan waxay keeni kartaa in ay timaha waxyeelloobaan kaddibna daataan.

daryeelka timaha

Habkan xannaaneynta ah waxa uu sidoo kale kaalin ka qaadanayaa in ay timaha koraan.

Waxaad adeegsan kartaa shambooyin iyo nafaqooyin loogu talogalay inay kordhiyaan caafimaadka timaha.

6. Dawooyin

Waxaa jira dawooyin badan oo loo adeegsado ka hortagda timaha daata ama bidaarta, kuwaasoo laga heli karo xarumaha lagu iibiyo dawooyinka.

Waxaase habboon in marka aad xaaladdan isku aragto aad si deg deg ah ula xiriirto dhakhtar, si uu kuu siiyo talooyinka muhiimka ah.

Dhowr sano ka hor waxaa lasoo saaray daraasad muujinaysa in ragga bidaarta leh ay ka soo jiidasho badan yihiin kana kaslooni badan yihiin kuwa aan bidaarta lahayn.

Balse waxaa muuqata in wali ay sii badanayaan nimanka xalka u raadinaya timaha ka go’ay, xalka ugu waynna ilaa hadda waa in dib loo beero timaha, taasoo ay ku baxdo lacag dhan inta u dhaxaysa $1000 ilaa $10,000.