Qodobadii Madax-dhaqameedka Beelaha Habr-jeclo hordhigeen M/weyne Biixi Kulankii ay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.

Madax-dhaqameedka ayaa Muuse kala hadlay qoddobadan hoos ku xusan.
1. In Madaxweynuhu dib uga noqdo go’aanka uu ku haysto Hargaysa Club, oo ah mid aan sharci ahayn maddaama oo goobta lagu bixiyay sifo sharci ah. Waqtigii dawladii Madaxweyne Rayaale.
2. In Xukuumada Biixi ay qiimayn ku samayso hubkii beelaha Cumar Farax, Biiciide ay soo dhiibtay, lagana yeelo, nidaamkii la mariyay hubkii xukuumadu kala wareegtay beelaha kale ee Somaliland.
3. In Xildhibaan hore, Maxamed Ali Xirsi (Obama) oo lacag ku leh dawlada, gaar ahaan mashruuca Berbera Corridor la siiyo deyntaas, maddaama oo uu sifo sharci ah ugu guulaystay qayb ka mid ah qandaraaskaas, sanadkii 2020 lagaga noqday.
4. In Boqorka Guud ee Beelaha Habarjeclo Boqor Cismaan Buurmadoow oo xayiraad dal ku-gal la saaray, loo ogolaado in uu yimaado dalkiisa hooyo.
5. In Shirkada Asli Maydi xukuumadu ka dayso hagardaamada ganacsi ee ay ku hayso, sidoo kale xayiraada laga qaado goobaha ganacsi ee shirkadaasi leedahay.
6. In Gen. Dolaal oo darajadisii laga xayuubiyay loo soo celiyo, maddaama oo uu yahay nin dalkan u soo halgamay, Maxkamadii Ciidankuna ay wayday wax dembi ah.
7. In Madaxweyne Biixi uu u tudho dalka iyo dadka oo ku jira xaalado adag oo dhaqaale, aan loogu darin xasilooni daro siyaasadeed iyo amni. Sidaa daraadeed, uu muujiyo tanaasul.