HADAAN IDHI ALLAA YIDHI
(Go’aankii Muuse Biixi Ee Kama dambaysta Ah)
1- Doorashadii Madaxtooyada ee muddaysnay 13 November iska ilooba
2- muddo kordhin inta aan anigu doono ah oo la ii kordhiyaana waa ii diyaar
3- labadan xisbi ee mucaaridka iyaga halkooda ayaan ugu dhamaynayaa
4- Doorasho aan la isla ogolaan ayaan qasab ku qabanayaa cid kasta oo ka hortimaadana waa Xadhig iyo xabbad
5- Kulmiye iyo labada urur ee aan doonana qasab bay ku soo baxayaan
Yaa diidi kara waa sharci, sarciguna saw sida aan anigu doono maaha xataa hadii ay sharci darro tahay. Sharci darradu saw wixii aanan anigu doonayn maaha xataa hadii ay sharci tahay
Intaasi marka ay Muuse Biixi u suurogasho oo laga ogolaado iska ilaw doorasho dambe oo Somaliland ka qabsoonto. Marka uu dhamaysto muddo kordhin muddo kordhin kale ayaa u diyaar ah.
Taasi dee maaha Somaliland tii la wada lahaa. Waxay noqon doontaa Somaliland Muuse Biixi keligii iska leeyahay. Cajiib oo Somaliland qof iska leeyahay baa ummaddani u soo halganta, oo 50,000 uga dhinatay, oo hal milyan barokac iyo qoxoonti ugu silceen, magaalooyinkoodiina u burbureen. Maya ee wallahi in sida Muuse Biixi doonayo noqonayn ee ta Allay noqon isaguna wuxu ummaddan ka galabsaday ayuu heli doonaaye. Ka Shib Dheha Islaamow Naftii Kii Lahaa Kadaye
Way ka muuqataa Muuse Biixi tiisa mooyee tu Allehba meesha muu soo dhigan
May be an image of 2 people and text