Laba baabuur oo ka tirsan Gaadiidkii M/weyne Muuse Biixi la socday shil galay .
Madaxweynaha ayaa saaka ka soo laabtey safar uu ku joogay magaalada Laascaanood .
Laba baabuur oo ka tirsan waftiga madaxweynaha ayaa shil babauur ku galay inta u dhaxeysa Caynaba iyo Burco .
ma jirto dhimasho balse waxaa jira oo kaliya dhaawac ah jab jab ah sida ay noo xaqiijiyeen masuulyiin ka tirsan bahda caafimaadka magaalada Burco .
Waftiga madaxweynaha ayaa soo dhaafay magaalada Burco , waxaana uu madaxweynuhu ku soo jeeda Magaalada Hargeysa .