waxaa layaab igu noqotay in Hargeysa Howdkeeda iyo Bari ilaa Burco qoran tahay lama tagaan Khad Cas saaran tahay”
Guddoomiyaha gudida Arimaha Dibada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Mohamed Jaamac Koodbuur ayaa u kuur galay xaalada deegaanadii laga soo doortay, Xildhibaanka ayaa gaadhay Deegaanada Sallaxley, Sabanawanaag Iyo Oodweyne.
Xildhibaan koodbuur ayaa qoraal uu Bartiisa FB-ga ku daabacay ku yidhi
“Safarkayagu wuxuu ku aadanaa sahmid Biyo iyo siddii Deegaankeenu Biyo ku heli lahaa, Waxaana noo suurta gashay in Khuburo Ajaanibi inaga caawiso, se waxaa layaab igu noqotay in Hargeysa Howdkeeda iyo Bari ilaa Burco qoran tahay lama tagaan Khad Cas saaran tahay”