Suldaanka guud ee Beelwaynta Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye ayaa sheegay inay u safri doonan Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Suldaan Xasan ayaa sheegay in Madaxdhaqameedka iyo Mujaahidinta Beesha Subeer Awal ay Casuumad rasmi ah ay ka heleen Beesha Garxajis oo Burco shir uga socda.
Suldaanku waxa uu sheegay inuu Wafti Madaxda Dhaqanka Beesha Subeer Awal iyo Mujaahidintii SNM ee Beeshu ay ka qayb gali doonan Shirka islamarkaana ay hoogaminayan waftigan Isaga iyo Mujaahidka wayn ee Ibraahim Dhagaweyne.