Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Guddi Degdeg ah u saaray Musiibada Dabka weyn ee ku dhuftay buuraleyda Gobolka Sanaag.
Dabkan oo bilaabmay maanta gallinkii dambe ayaa si xawli ah ugu fiday kaymaha iyo dhirta qadiimiga ah ah ee deegaankaasi, taasi oo cabsi gelisay deegaanka, khatarna ku ah deegaanka dabiiciga ah iyo nolosha dadka halkaa deggen.
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐๐ง ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฒ ๐๐ฒ ๐ค๐ ๐ค๐จ๐จ๐๐๐ง ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง:
1. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
2. Wasaarada Gaashandhiga
3. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga
4. Wasaarada Caafimaadka,
5. Hayโadda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka,
Guddigan ayaa Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku amray in ay si deg-deg ah u gaadhaan goobta dabka ka kacay.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha SL ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dedaallada lagu daminayo dabka, isaga oo sidoo kale ka codsaday Hayโadaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahba in ay si deg-deg ah u fidiyaan taageero.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





