Umadda Soomaaliyeed waxa haboon in ay ku kacaan oo iska dhiciyaan boobka iyo dhaca ay Dawladda Turkigu ku hayso khayraadka shicibka Somaaliyeed.

Waa nasiib daro in Turkigu isaga oo boobaaya hantidii dadka masaakiinta ah in laga jeediyo oo ay Dawladda Turkigu ay dadka Soomaaliya cadaw uga dhigto walaalahooda Somaliland ee diiday in ay dhulkooda iyo khayraadkooda u ogaalaadaan dawlada Turkiga ee danaheeda ka fushanaysa Somalia.

Cadawga Somalia ma aha dawladda iyo shicibka Somaliland ee waa dawlada Turkiga ee xadaysa khayraadka dalkooda iyada oo adeegsanaysa xukuumad ku sheegta lagu ilaaliyo qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho kuwaasi oo ay hormood u yihiin Xasan Sheekh iyo Fiqi.