
Sida lagu sheegay warbixino ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah, muuqaalka juqraafiyeed ee Geeska Afrika ayaa si xawli ah isu beddelaya. Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo waaweyn, kuwaas oo la xidhiidha suurtagalnimada aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland ka hesho dalal ay ka mid yihiin Eswatini, Argentina, Zambia, Dominican Republic, iyo Imaaraadka Carabta.
Warbixinadan oo Wargeyska DAWAN ka soo xigtay ilo warbaahineed sida Firstpost (Africa), Africa View Facts, AfriNews 24, iyo Horn Vision, ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wakhti ay Jamhuuriyadda Somaliland u diyaar garoobayso debaaldegga todobaadka xorriyadda iyo xuska 18-ka May oo ah maalinta madaxbannaanida Somaliland ay soo baxayaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo cusub, iyo warar xan ah oo ku saabsan suurtagalnimada aqoonsi rasmi ah.
Warbixinnahan caalamiga ah ayaa si cad u tilmaamaya in Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ay tahay mishiinka riixaya dadaalladam diblomaasiyadeed ee xooggan, kuwaas oo ay ku doonayso inay ku qanciso dalal kala duwan in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland. Sidoo kale, wararka isa soo taraya ee dhinaca diblomaasiyadda ayaa muujinaya isbeddello siyaasadeed oo la filayo in ay si degdeg ah uga curtaan gobolka Geeska Afrika, kuwaas oo saameynaya xaaladda guud ee siyaasadda iyo xidhiidhada caalamiga ah.
Dhinaca kale, falanqeeyayaal caalami ah ayaa tilmaamaya Somaliland ay hormood u tahay xiisaha gobolka Geeska Afrika oo noqday goob istiraatiiji ah oo ay ku tartamayaan quwadaha caalamiga ah, iyadoo laga eego dhinacyo ay ka mid yihiin dekedaha, marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo sidoo kale saameynta ganacsiga caalamiga ah.
Isbeddelladan soo kordhaya ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa dib-u-habeyn ku saabsan siyaasadda dibadda ee dalal dhowr ah, korodhka xiisaha ay beesha caalamku u qabto gobolka, gaar ahaan marka la eego muhiimadda juqraafiyeed ee uu leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland oo ah xudunta isku xidhka Afrika, Bariga Dhexe, iyo suuqyada caalamiga ah.
Ahmed Saleban





