Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kulan dardaaran iyo duco ah Madaxtooyada kula yeeshay Mayor-ka iyo Mayor-ku-xigeenka ay mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Hargeysa iska dhex doorteen maanta

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Mayarkii hore, ka xilka wareejinaya iyo kuwa cusuba kula dardaarmay in ay xoogga saaraan midaynta, meel-u-wada-jeedinta iyo wada shaqaynta Golaha Deegaanka Caasimadda, isla markaana ay xoojiyaan isku duubnida xubnaha Golaha, iyo u adeegidda danaha iyo baahiyaha dadweynaha Caasimadda.

Waxa uu sidoo kale ku boorriyey in ay mudnaanta siiyaan horumarka magaalada, bilicda caasimadda iyo adeegyada bulshada, isaga oo Alle SWT uga baryey in uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhismaha iyo gudashada xilalka Qaranku (heer Degaan iyo heer Qaranba) aanay kala lahayn Muxaafid iyo Mucaarid toona, balse ay tahay waajib iyo masuuliyad wadareed inna wada saaran. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu mudanayaadha Golaha Degaanka ee Caasimadda u sheegay in hoggaaminta Caasimaddu ay uga baahan tahay isku duubni, waayeelnimo iyo dareen midaysan.

Gabagabadii, Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay una bogaadiyey Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) doorka odaynimo iyo bisaylka siyaasadeed ee uu ka qaatay doorashada Mayor-ka iyo Mayor ku-xigeenka Caasimadda Somaliland