Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in “laba xero oo ciidammada cirka Maraykanka ay ku leeyihiin Kuwayt oo magacyadooda lagu sheegay Cali Al-Saalim, iyo tashiilaadkii muhiimka ahaa ee u hadhay Guutada Shanaad ee Ciidanka Badda Maraykanka ee Baxrayn, lagu beegsaday gantaallada balastikada ah oo ay rideen Ciidammada Cirka IRGC.”
Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in saaka, afar markab oo nooca shidaalka qaada ah oo ay “kiciyeen isla markaana horkacayeen milatariga Maraykanku oo baal maray digniinaha loo hore loo soo saaray ee ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC, ay damceen in ay si sharci-darro ah uga baxaan Marinka Hormuz.
Digniinta kaddib, mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ayaa la beegsaday oo la joojiyay, halka maraakiibtii kalena ay dib u laabteen.”
Bayaanka IRGC ayaa lagu sheegay in dhacdadan kaddib, “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay laba gantaal ku dhufteen goob isgaadhsiineed oo ku taal Qeshm.





