Warbaahinta dawladda Iran oo baahisay 14 qodob oo ay sheegtya in lagau heshiiyay
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahinaysa waxa ay ku sheegtay faahfaahinta qabyo-qoraal heshiis 14 qodob ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

Qodobadan si rasmi ah looma xaqiijin labada dhinac midkoodna.

Mehr News Agency ayaa sheegtay in qodobada ay ka mid yihiin:

Xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasha dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan
Ballanqaad Maraykanka uu ku galay inuusan faragelin arrimaha gudaha ee Iiraan
In 30 maalmood gudahood la qaado go’doominta badda ee Maraykanka
In ciidamada Maraykanka laga saaro Iiraan
In marinka Hormuz dib loo furo 30 maalmood gudahood “iyadoo lagu maamulayo habka Iiraan”
Maraykanka iyo xulafadiisa oo soo bandhigaya qorshe dib-u-dhis Iiraan ah oo ugu yaraan gaaraya $300 bilyan
In la joojiyo cunaqabateynta saliidda iyo tamarta Iiraan
Iiraan oo mar kale xaqiijinaysa inayan soo saari doonin hub nukliyeer ah
Maraykanka oo ballanqaadaya inuusan kordhin doonin ciidamadiisa gobolka isla markaana uusan soo rogi doonin cunaqabatayn cusub
Mehr News Agency ayaa sidoo kale sheegtay in:“Wada-hadallada kama dambaysta ah aysan bilaaban doonin ilaa qayb ka mid ah lacagaha Iiraan ee la xannibay la sii daayo, cunaqabataynta saliidda la hakiyo, isla markaana go’doominta badda la qaado.”

Waxay intaas ku dartay in heshiiska ugu dambeeya lagu ansixin doono qaraar ka soo baxa Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobey