Kulanka Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in ‘’ Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobadda ay isku hayaan Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha Ciidan Qaran oo heer Federaal ah’’

Waxaa ay fareen ciidamadooda ammaanka in aysan deegaanada ‘’Puntland ku sugnaan karin isaga gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsanayn ciidamada Puntland.

Dowlada Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay ku sugan yihiin deegaanada Puntland.