Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muddadii uu booqashada rasmiga ahayd uu ku joogay dalka Israa’iil, isaga iyo weftigiisu waxa ay booqdeen qaar ka mid ah Hay’adaha, Xarumaha iyo Shirkadaha hormuudka ka ah cilmi-baadhista beeraha, maamulka biyaha, tamarta, hal-abuurka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee dalka Israa’iil .

Madaxweynaha ayaa booqday Shirkado iyo Xarumo aqoon durugsan u leh waraabka casriga ah ee beeraha, wax-soo-saarka beeraha, maaraynta biyaha iyo tamarta korontada, halkaas oo uu warbixinno faahfaahsan kaga dhegaystay masuuliyiinta iyo khubarada xarumahaasi.

Sida oo kale, intii uu booqanayay Xarumahan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa loo soo bandhigay Tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka casriga ah ee uu dalka Israa’iil ku gaadhay horumarka dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, sugnaanshaha cuntada, maamulka iyo maaraynta biyaha iyo tamarta.