Trump oo shaaciyey diyaaradda cusub ee ‘madaxweynaha’ ee Qatar ugu deeqday

Xigashada Sawirka,Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay diyaaradda cusub ee Boeing 747 8 oo loogu talagalay in ay qayb ka noqoto Air Force One, taas oo dowladda Qatar ay sannadkii hore ugu deeqday si “hadiyad aan shuruud lahayn” ah Mareykanka.
Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa dhammeeyay wax ka beddelka diyaaraddan nooca raaxada ah, taas oo lagu qiimeeyay ku dhowaad $400 milyan (£300 milyan). Trump oo ka hadlay saldhigga Joint Base Andrews ayaa sheegay: “Diyaaraddan waxaa loo beddelay Aqalka Cad oo hawada duulaya kale, heer raaxo ah oo aan hore loo arag.”
Wax ka beddelka lagu sameeyay diyaaradda waxaa ka mid ahaa xoojinta amniga, isgaarsiinta howlaha, taageerada saadka, iyo farsamooyin casri ah. Ciidanka Cirka ayaa sheegay in khatar kasta oo ka iman karta diyaaraddii hore “la baabi’iyay.” Gudaha diyaaradda wax yar ayaa la beddelay, halka dibadda lagu rinjiyeeyay midabyo cusub oo cas, caddaan, buluug iyo dahab ah.

Xigashada Sawirka,US Air Force
Bishii May 2025, qoyska boqortooyada Qatar ayaa ku deeqay diyaaraddan Boeing 747 8 Wasaaradda Difaaca Mareykanka si ay uga mid noqoto diyaaradaha Air Force One ee qaada madaxweynaha. Markii wararka hadiyadda la shaaciyay sannadkii hore, waxaa ka dhashay muran siyaasadeed oo ka yimid labada dhinac, xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha Trump. Dhaliilayaashu waxay ku doodeen in aqbalidda diyaarad qiimo sare ah ay noqon karto khilaaf danta guud iyo sharciga ahba.
Trump ayaa ku ammaanay tayada diyaaradda: “Markaad aragto shaqada lagu qabtay, ma rumaysan doontid. Tayada alwaaxda, qalabka, matoorada – waa kuwa ugu fiican adduunka.” Wuxuu ku daray: “Waa sharaf weyn, waxaana u mahadcelinayaa Amiirka Qatar.”
Ka hor intaan la helin diyaaraddan, Air Force One waxa ay ahaayeen laba diyaaradood oo 747 200B oo la isticmaalayay tan iyo 1990. Mid ka mid ah moodooyinkii hore ayaa hadda la joojiyay, sida uu sheegay Agaasimaha Isgaarsiinta Aqalka Cad Steven Cheung, oo ku qoray X: “Way dhantahay, shaqaale daacad ah ayay ahayd, safarkeedii u danbeeyey ayayna gashay.”
Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradda cusub loo adeegsan doono si ku meelgaar ah ilaa Boeing ay keento labada VC 25B oo muddo dheer la sugayay, balse dib u dhacyo wax soo saarka ay hardheeyeen ayaa sababay. Kahor intaan si rasmi ah loogu adeegin in u uku safro madaxweynaha, diyaaradda cusub waxay mari doontaa duulimaadyo tijaabo ah si loo hubiyo wax ka beddelka lagu sameeyay.
Source Bbc somali





