


๐๐๐-๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Fadhigii 66-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 66-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:
๐) ๐๐จ๐ -๐ฐ๐๐ซ๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐๐๐ข๐ข ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Golaha Wasiirrada si qoto dheer ugaga xog-warramay natiijooyinka ka soo baxay booqashadii rasmiga ahayd ee taariikhiga ahayd (Historical State Visit) ee uu ku tegay dalka Israaโiil.
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey guulaha diblomaasiyadeed, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo fursadaha cusub ee safarkaasi u horseeday Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo xoojinaya danaha Qaranka JSL ee Fagaarayaasha Caalamka.
Dhinca kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada JSL hor keenay, isla markaana Golaha si dhammaystiran looga hor akhriyey nuxurka Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay soo saareen labada Dawladood, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israaโiil, kaasi oo ay Golaha Wasiirrada JSL cod gacan taag ah oo aan loo kala hadhin ku meel mariyeen.
Baaqan isaga ah oo soo baxay 15.06.2026-ka, waxa magaalada Jerusalem si wadajir ah ugu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israaโiil.
Baaqa Wadajirka ah ee ay soo saareen labada dhinac ayaa ah tallaabo istaraatiiji ah oo waafaqsan danaha uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Baaqan ayaa loo gudbin doonaa Golayaasha Sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.
๐) ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay. Wasiirku waxa uu sheegay in Hay’adaha Amniga Qaranku ay si buuxda u xaqiijiyeen xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in wada-shaqaynta Hay’adaha Amniga Qaranka iyo feejignaanta bulshada JSL ay yihiin tiirarka lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก๐ (๐๐๐):
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-warramay heerka ay marayso hirgelinta Cashuuraha Adeegga iyo Badeecadaha (GST), saamaynta ay ku leedahay kobcinta dakhliga Qaranka, iyo dadaallada ay Wasaaraddu ku ballaadhinayso saldhigga cashuuraha iyada oo la ilaalinayo hufnaan, caddaalad iyo isla-xisaabtan. Wasiirku waxa uu sheegay in Dakhliga Qaranka ka soo gala cashuurta GST-ga ay ka muuqan doonto Miisaaniyadda Qaranka. Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu xusay muhiimadda uu nidaamka casriga ahi u leeyahay koboca dhaqaalaha dalka iyo tayeynta adeegyada bulshada.
๐) ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo sheegay in dhammaan Gobollada dalka uu jiro hoos u dhac ku yimid xanuunnada xummadda oo bilihii ugu dambeeyey dalka ka jiray. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay gashay dedaallo badan iyo wacyigelin joogto ah oo bulshada ku wajahan oo lagaga hortagayo faafitaanka xummadda ay keenaan Duumada, Dengue Fever iyo Chikungunya.
๐) ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐-๐ค๐๐๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ก ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐๐ค๐ ๐๐๐ง๐ข’๐๐๐๐๐ง๐ง๐ข๐ฆ๐จ:
Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada ayaa Golaha uga xog-warramay xaaladda nololeed ee dadka bara-kacayaasha ah, isaga oo tilmaamay baahiyaha bani’aadannimo ee taagan, kuwaasi oo sii adkaanaya.
Wasiirku waxa uu sheegay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo xoojiyo gurmadka dhinacyada cuntada, biyaha, nadaafadda, caafimaadka iyo waxbarashada, si loo yareeyo duruufaha adag ee ay wajahayaan qoysaska barakacayaashu.
๐) ๐๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐:
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan kala Xadaynta Masuuliyadaha iyo Waajibaadka hay’adaha dawladda ee arrimaha ganacsiga.
Wasiirku waxa uu Golaha u soo jeediyey qodobbada soo socda:
* Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u qeexaya Qaab-dhismeedka Hayโadaha Qaranka, awoodaha ay leeyihiin, iyo xidhiidhka ka dhexeeya.
* In la xoojiyo mabaadiโda maamul-wanaagga ee ku cad Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo Hayโadaha Madaxa-bannaan (Xeer Lr. 71/2025), iyada oo Hayโad kastaa ixtiraamayso waajibaadka iyo masuuliyadaha Hayโadaha kale, si loo adkeeyo ka wada-shaqaynta arrimaha la xidhiidha Ganacsiga dalka.
* In la xoojiyo isku-xidhka shaqooyinka ay wadaagaan Wasaaradaha iyo Hayโadaha Dawladdu, si looga hortago kala jiidasho awoodeed iyo is-maan-dhaaf sharci.





