Qorrax madoobaad la filayo maanta iyo meelaa uu ka dhici doono.

Waxaa Arbacada maanta ah, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.

Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.

Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.

Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.

Madoobaadka qorraxda ee xiga ayaa la filayaa inuu dhico Arbacada, 12-ka Agoosto.

Madoobaadka buuxa ayaa la filayaa in laga arki doonaa: Waqooyiga Ruushka, Greenland, Iceland, Isbayn iyo Boortaqiiska.

Madoobaadkan lagama arki doono Turkiga. Madoobaadka qorraxda ee xiga ee laga daawan karo Turkiga wuxuu noqon doonaa madoobaad qayb ahaan ah, kaas oo dhici doona 2-da Agoosto, 2027.

Sida ay sheegtay NASA, madoobaadka buuxa wuxuu ka bilaaban doonaa duhurnimada meel yar oo fog oo ku taalla waqooyiga Ruushka. Kadibna iyadoo Dhulku wareegayo, madoobaadku wuxuu u gudbi doonaa dhinaca Isbayn, halkaas oo laga arki doono fiidkii wax yar ka hor qorrax-dhaca.

Muddada madoobaadka buuxu waxay noqon doontaa mid aad u gaaban, wax ka yar laba daqiiqo iyo bar.

Qaybo ka mid ah waqooyiga Maraykanka, Kanada, waqooyi-galbeed Afrika, iyo meelo badan oo Yurub ah waxay arki doonaan madoobaad qayb ahaan ah, iyadoo meelo qaarkood in ka badan 90% Qorraxda la dabooli doono.

Dhacdadan waxay sii noqon doontaa mid gaar ah, maadaama qaybo ka mid ah Afrika iyo qaaradda Yurub ay arki doonaan madoobaad ku beegan qorrax-dhac, taas oo macnaheedu yahay in Qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto iyadoo dhacaysa.