Majaladda Foreign Policy ayaa ku baaqday in Maraykanku aqoonsado Somaliland, iyadoo sheegtay in Hargeysa ay Washington u tahay fursad muhiim ah oo dhinaca istiraatiijiyadda iyo amniga ah.

Maqaalka ayaa tilmaamaya in Somaliland ay ku taallo meel muhiim ah oo u dhow Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, halkaas oo danaha Maraykanka ay si weyn ugu xidhan yihiin ilaalinta maraakiibta iyo la tacaalidda khatarta Xuutiyiinta iyo Iran.

Foreign Policy waxay si gaar ah u xustay Dekedda Berbera iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo sheegtay in Somaliland ay Maraykanka siin karto meel muhiim ah oo uu kaga daba-galo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, isla markaana marka loo baahdo cadaadis lagu saaro Xuutiyiinta iyo IRGC-da Iran.

Majaladdu waxay qiratay in aqoonsiga Somaliland uu keeni karo cadho iyo diidmo kaga timaadda Turkey, Masar iyo Sucuudiga, oo ah dalal Maraykanku xidhiidh la leeyahay.
Hase yeeshee, qoraagu wuxuu ku dooday in saddexdan dal aanay xaq u lahayn inay go’aamiyaan siyaasadda Maraykanka. Wuxuu sheegay in danaha waaweyn ee Washington sida ka hortagga Iran iyo Xuutiyiinta iyo ilaalinta xorriyadda maraakiibta ay ka muhiimsan yihiin walaacyada dalalkaasi qabaan.

Dhanka kale wargayska ayaa sheegay, in ay jiraan waxyaabo Somaliland lafteedu ay leedahay oo ay Washington u soo bandhigi karto.

Wargeyska ayaa ugu dambayn si cad ugu baaqaya Washington inay ka tanaasusho siyaasadda ku dhisan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan.

MMTV