Dagaal xooggan oo dhulka ah oo ka qarxay dalka Yemen

Dagaallo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen ee ay beesha caalamku aqoonsan tahay, kuwaas oo ka dhacay deegaannada xeebaha Badda Cas ee u dhow Taiz, ayaa tan iyo Khamiistii waxaa ku dhintay ugu yaraan 81 askari oo ka kala tirsan labada dhinac, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, oo soo xigatay laba sarkaal oo militari iyo ilo caafimaad.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Yemen oo ku sugan gobolka xeebaha Badda Cas ayaa sheegay in 24 askari oo ka tirsan ciidamadooda ay dhinteen, halka sarkaal kale oo ka tirsan gobolka Taiz uu sheegay in halkaas lagu dilay 15 qof.

AFP ayaa sidoo kale soo xigatay ilo caafimaad oo ku sugan deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan, kuwaas oo sheegay in ugu yaraan 42 ka tirsan ciidamada Xuutiyiinta lagu dilay dagaallada.

Dagaalladu waxay billowdeen Khamiistii, kaddib markii ciidamada Xuutiyiintu ay weerar dhulka ah oo ay adeegsanayeen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka qaadeen agagaarka deegaannada xeebaha Badda Cas iyo gobolka Taiz.