Wabaahinta caalamiga ah ee The World Brief ayaa sheegay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay si weyn u xoojisay dadaalladeeda ay ku raadinayso aqoonsiga caalami ah, isla markaana ay Maraykanka u soo bandhigtay fursado la xidhiidha khayraadka macdanta, iskaashiga dhinacyada amniga iyo badda, xilli Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu Somaliland ku tilmaamay dal gebi ahaanba ka duwan dalka fashilmay ee Soomaaliya.
The World Brief waxa kale oo ay sheegtay in hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ka jeediyay magaalada Youngstown ee gobolka Ohio, 13-kii Oktoobar, uu rejo cusub ka abuuray gudaha magaalooyinka Somaliland, iyada oo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ay isugu soo baxeen kumannaan dadweyne ah oo iyagoo lulaya calamada Somaliland iyo Maraykanka, isla markaana muujinaya taageerada ay u hayaan dadaallada aqoonsi-raadinta.
Sidoo kale Warbixino ay baahiyeen warbaahinno caalami ah, oo ay ka mid yihiin bne IntelliNews, ayaa tilmaamay in Somaliland ay doonayso inay xidhiidhka ay la leedahay Washington ku xoojiso iskaashi dhaqaale, amni iyo istaraatiiji ah. Bne IntelliNews waxa kale oo ay xustay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu bishii September booqasho ku tagay magaalada Washington iyo New York, taas oo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland ugu jiray sidii loo ballaadhin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.
Dhinaca kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Maraykanka siiso fursado gaar ah oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka macdanta, iyo abuurista iskaashi dan-wadaag ah oo ku dhisan horumar dhaqaale, amni iyo maalgashi.
“Fursadaha kale ee la sheegay in Somaliland miiska u saartay Washington waxa ka mid ah iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, amniga badda iyo ka faa’iidaysiga dekedda Berbera, oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo u dhow Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab.” ayaa lagu yidhi warbixinta The World Brief, waxaanay intaas raacisay “Somaliland waxay rajaynaysaa in iskaashiga noocan ahi uu xoojiyo xidhiidhkeeda Maraykanka, isla markaana abuuro fursado cusub oo dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo amniga ah.”
Warbaahinta Bne IntelliNews ayaa sheegtay in Dekedda Berbera ay ka mid tahay hantida istaraatiijiga ah ee Somaliland ku doonayso inay ku xoojiso xidhiidhka ay la leedahay quwadaha caalamka. Iyada oo tilmaanay in goobta ay ku taallo dekeddu ay muhiim u tahay ganacsiga gobolka, isu-socodka maraakiibta iyo amniga marinnada badda ee isku xidha Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Sida ay tilmaantay warbixintu, Somaliland waxay doonaysaa in faa’iidadeeda juqraafiyeed ee ay leedahay ay u beddesho iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo ay ka helaan labada dhinac. Fursadaha macdanta ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga shisheeye.





