Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii magaaladda Hargeysa ku geeriyooday madaxweynahii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Siilaanyo waxa uu ahaa halgamaa ninkii keenay soona dhiciyay Somaliland oo uu u soo maray halgan dheer oo dhib badnaa, waxana lagu xasuusan doonaa xorayntii iyo dib u dhiskii Somaliland.

Siilaanyo waxa uu ahaa siyaasi rug cadaa ah aqoonyahan waxbarashadiisii ku qaatay dalka UK- gaar ahaan Salford University ee ku taala waqooyiga Ingiriiska.

Marxuum Axmed Siilaanyo taariikhdiisa halkani laguma soo koobi karo, waxaynu ku soo qaadan doonaa baraamijadeena danbe.

Ilahay waxa aanu marxuumka uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo.

Waxa aanu halkan tacsi gaar ah uga diraynaa xaaskii, caruurtii iyo dhamaan eheladii iyo shicibka Somaliland ee uu ka baxay muj. Ahmed Siilaanyo .

Ahmed Mohamed Mohamoud “Silanyo” (Somali: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Arabic: احمد محمد محمود سيلانيو; born 1938) is a Somaliland politician who was President of Somaliland from 2010 to 2017. He is a long-time member of the government, having served as Minister of Commerce of the Somali Republic, and among other Cabinet positions. During the 1980s, he also served as the Chairman of the Somali National Movement.[3]