Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa saaka sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo shalay Hargeysa lagu xidhay.
Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa marar hore la xidhay, xadhigana waa mid ka duwan xadhigii hore.
Cabdiraxmaan Aabahii ayaa shalay warbaahinta qabsaday isaga oo sheegay in uu wiilkiisu isaga u xidhanyahay oo uu ku caasi garoobay.
Xaga markii warkaasi uu baxay ay abwaan Cabdiraxmaan hooyadii iyana warbaahintabla hadashay oo ay sheegtay in wiilkeedu aanu ahayn waalid caasi ee yahay wiil fiican oo aan ahayn waxa uu aabahii ku sheegaayo.
Abwaan Cabdiraxmaan Abees hooyadii waxa ay sheegtay in wiilkeedu uu u xidhanyahay xukuumadda isla markaasina aabahii ay xukuumaddu u adeegsanayso.
Waxa ay sheegtay in ay ka xun tahay in abwaan Cabdiraxmaan รbees loo adeegsaday aabihii oo ay tilmaantay inuu inankiisii u jabiyay cadow. Waxaanay sheegtay in aanu waalid caasi Cabdiraxmaan shaqo ku lahayn.
Sidoo kale hooyadani waxa ay Xukuumadda Somaliland ku eedaysay inay si xaqdarro ah u xidhay inankaas oo ay tilmaantay inay ka dabojoogeen buugii Mayal ee uu dhawaan ku soo babdhigay Hargeysa.
Dhanka kalena Booliska Somaliland waxa ay sheeegeen in Cabdiraxmaan Abees uu ku xidhan yahay caasi waalidiin oo aabihii xeer ilaalinta warqad ka soo jartay.