Agaasimaha Caafimaadka iyo Masuuliyiin ka Socday Dawladda UK oo soo kormeeray Mashaariic


Hargeysa(Qaran newsk)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye iyo wafti uu hogaaminayo oo ka socday Xafiiska Horumarinta ee Dawladda Ingiriiska (FCDO) ayaa soo kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Caafimaadka ee gobolka Saaxil gaar ahaan xarunta caafimaadka ee Abdaal ee dagmada Mandheera.

Agaasimaha guud iyo weftiga ayaa waxaa soo dhaweeyay oo uga warbixiyay xaalada guud ee gobolka Saaxil Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Saaxil Mubarik Yasiin Warsame, isagoo weftiga warbixin ka siiyay goobahan ay soo kormeereen iyo habsami u socodka shaqo ee xarumahan.
Ujeeddada weftigan uu horkacayo Agaasimaha Guud ayaa ahayd sidii ay u kormeeri lahaayeen xaalada ay ku suganyihiin xarumaha caafimaadka ee gobolka Saaxil ee uu ka dhamaaday mashruucii caafimaadka ee ay dawladda ingiiriisku maalgalisay hay’ada HPA-na ay fulisay iyo saamaynta uu ka tagay, Agasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dawladda ingiiriisku la garabtaagantahay Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Mashaariicda Caafimaadka ee dalka.