Hargeysa(Qaran)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo uu wehelinayo Gudoomiye ku-xigeenka Xidhiidhka Kubbadda Cagta Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ciyaaraha Djibouti Xasan Maxamed Kaamil kaas oo ku qaabilay masuuliyiinta ciyaaraha Somaliland xafiiskiisa.

Masuuliyiinta labada dhinac oo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada Wasaaradood ayaa isla qaatay in dhinaca Soomaaliland gacan laga siiyo
1.Tababar garsoorka kubbadda cagta ah heerarka kala duwan.
2.Tababar tababarayaasha orodada.
3.Tababar tababaryaasha kubbadda gacanta (hand ball)
4. Qalabka kubbadda caganta (hand ball).
Kulana ayaa ku soo dhammaaday is af Garad.