Agaasimaha Warfaafinta oo Ciyaal Taariikh laaweyaal ah ku tilmaamay Raysal-wasaaraha Soomaaliya

Hargeysa(Qaran news)- Agaasimaha Guu ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa ciyaal xaafadeed bilaa caqli ah ku tilmaamay Raysal-wasaaraha Dawladda Xasan Sheekh ee dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Soomaaliya.

Agaasime Shiine oo daba-socday hadal ka soo yeedhay Raysal-wasaaraha Soimaaliya, ayaa dhallinyarada u soo bandhigay Caqliga yaalla Muqdisho.

Waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Facebook-giisa oo u dhignaa sidan:-

“Kooxda Xamar Joogtaa waa wada ciyaal taariikh laawayaal ah.

Waxaan dhegaystay maanta wiilka reer dhagax-buur ee Raysal-wasaaraha ugu magacaaban Kooxda Xasan Sheekh oo ku eedaynaya Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Aby Ahmed in uu diiday in uu qiro magaca iyo dawladnimada wuxuu ku sheegay (Soomaliya), isagoo intaa ku daray in uu heshiis la galay nin tuulo jooga.

Hadda ogow tuulada uu sheegayaa waa Somaliland, caqliga sheeganaya in ay dawlad yihiin, waa kaa marna ceejada, marna sunta ama qaraxa ku dilaya dadka reer Somaliland, marna dalkan dhan ee jira ku sheegaya Tuulo.

Waa nasiib wanaag in dhalinayaradii 2000, kadib dhalatay ee aan ogayn xumaanta Soomaaliyadii aynu kala tagnay taal, maanta ogaadaan oo aan dib loogu siri doonin, eraygii ahaa “Walaalayaal shantii oo is raacda wanaagsanaydaa”.

Kooxda ciyaal xaafadka ah waxaanu leenahay waa ALLE mahadii mar haddii aad ka cabanaysaan in dunidii cid wax idin kala qabata aad weydeen oo hawshaasi aydun tabar u hayn dhiniciinana.”