AXKAAMTA DIINTA NEBI MAXAMAD DHULKUU UGU KEENAY MALAKUL JIBRIIL LAKIIN SALAADDA

ILAAHAY AYAA U SOO DHIIBAY NEBI MOHAMAD CIDI UMAY DHEXAYN CAJIIB.

Salaaddu waa tiir dhexaadka diinta islaamka gaaladu waxay diinta islaamka ku soo galaan waa shahaadataynka, laakiin muslimku meeshuu diinta ka soo galaa waa salaadda, muslim ayaan ahay mana tukanayo isma qabanayso.

Axkaamta islaamka oo dhan oo aan ahayn salaadda nebi maxamad dhulka ayaa loogu keenay oo Jibriil ayaa loogu soo dhiibay SCWS laakiin salaadda nebi maxamad ayuu ilaahay u yeedhay oo uu dheelmiyay.

Soo qaadashada nebigu uu salaadda soo qaadanayay isagiyo rabbigiisa cidi umay dhexayn, bal ahmiyadda ay salaaddu leedahay eega waa micraajka meesha qofka muslimka ahi uu ilaahay kala hadllo ee uu arjigiisa (baryadiisa) uga gudbiyaa waa salaadda.

Salaaddu waa ficil cajiib ah waxay leedahay hufnaan inuu qofku xumaan iyo xaaraan debedda ka yahayay.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.