AXMAD MIRE MAXAMAD WUXUU LEEYAY AQOON MAAMUL DHIS OO CAJIIBA SIDII HORE LOO ARKAY.
Mujaahid axmad mire maxamad waa mid ka mida ragga ku suntan gobanimadan maanta taagan halgankii lagu xoreeyay, axmad wuxuu kaalin weyn uu ka soo qaatay dagaalladii naafaynta cadowga.
Waxa jiray maalmmo cadowgii waddanka haystay ay si xun u jabeen oo lama illaawaan ah sida maalintii guushii balidhiig iyo taallo buur 20.12.1984kii waxay ahayd maalin cadowgu ay si xun u jabeen waxaan filayaa gaadiidka xiryahaas lagu qabtay inay ahaayeen 13 gadiida oo uu ku jiray taangi noociisu ahaa T55 iyo qori pm ah, waa qorigii 31.5.188 hargaysa wacdaraha ka dhigay iyo tikniko kale waan soo koobayaa qoraalka.
Axmad waqtiyadii uu xilalka hayay SNM waxa laga gubay saddexdii XARIIQ ee cadawga xariiqa koowaad oo ahaa xuduudaha SNM markay naafaysay (bahdishay) cadowgii waxa iyana la jebiyay xarriiqii labaad oo ahaa talisyada xuduudaha oo laga gaadhay guulo taarikhi sida mucjisooyinkii gunburaha iyo bisiqa.
Xarriiqa saddexaad oo ahaa kii lagu soo galay dalka 1988KII oo uu dhaawac halisi ka soo gaadhay burco.
Axmad mire maamulka askiriga ah iyo ka medaniga ah intaba wuu yaqaanaa wuxuu qaybta ugu culus ka qaatay maamulkii degmooyinka aagga madiina sida HARADA GOBATOXIL iyo dhoqoshay oo laga sameeyay nidaam ay ku badbaadeen shicibkii soo qaxay.
Qormadan kuma dhammayn karo mujaahidiinta kale ee la hawlgashayna way badnaayeen wax dhintay iyo wax noolba axmad mire haddii si kalsooniyi ku jirto xil loogu magaacabo ilaa madaxweyne wuu noqon karaa, meeshuu joogo waxa yaal maamul iyo kala danbbayn.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.





