Boorame(Qaran news)- Badhasaabka Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa sheegay in aanay ciddi waxyeeli karin muwaadiniinta ka soo jeeda gobolka Sool ee ku sugan Boorame.
Badhasaab Xasan Daahir wuxuu sheegay in gobolka Awdal uu caan ku yahay martigeljnta bulshada, oo aanay jirin cid dhibaato la soo gaadhay siisay iyo cid halis amni darro ay soo wajahday midna.
Badhasaabka Awdal wuxuu sheegay in ardayda jaamacadaha ka dhigta Boorame ay u sheegeen in aanay wax dhib ah qabin.
Sidoo kale wuxuu fariin u diray ardayda jaamacadaha iyo qoysaska ka soo jeeda Sool ay is dejiyaan oo aanay jirin cid waxyeeli kartaa.